Taariikhdii khulafada

CALI BIN ABII DAALIB (AMIIRUL
MU'MINIIN)
''Hooy ina Abii Daaliboow! miyaadan kuraalli
ahayn inaad ii joogta booskuu Haaruun u joogay
Muuse CS oo kale, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi
iga dambeyn''?
Sidaa waxaa yiri Nabiga SCW.
Cali bin Abuu Daalib (Cabdumunaf) bin
Cabdulmudalib (Sheyba) bin Haashim (Camr) bin
Cabdumunaaf (Muqiirah) bin Qusay (Zeyd) bin
Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu'ay bin Qaalib
bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin
Khuzeymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin
Nizaar bin Macad bin Cadnaan Al Qurashi Al
Haashimi.
Waxaa loogu kunyoon jiray Abul Xasan, sidoo kale
Abuu Turaab. Hooyadiis waa Faadimah bint Asad
bin Haashim bin Cabdulmunaf bin Qusey Bin
kilaab. Waxay ku kulmaan hooyadiis iyo aabahiis
xagga nasab ahaanta odayga Cabdulmunaaf,
waana banii Haashimkii ugu horeyay ee is
guursada (yacni Abuu Daalib iyo Faadimah bint
Asad). Wuxuu Cali kudhashay magaalada Makkah
13-kii Rajab 23 sano kahor hijrada oo kubeegan
17-kii Maarso 599 Miilaadiyada, sida ay qaar
kamid ah mu'arrakhiintu sheegaan. Waa mid
kamid ah tobankii saxaabi ee Jannada loogu
bishaareyey iyagoo nool. Sidoo kale waa ina
adeerkii Nabiga SCW iyo khaliifkii afaraad ee
khulafaa'uraashidiinka Illaahay haka raalli
noqdee.
Aabahiis waa oday kamid ahaa saadaaddii
Quresheed iyo adeerradii Nabiga SCW. Wuxuu
Abuu Daalib ahaa kii soo barbaariyey oo kafaala
qaaday Rasuulka SCW kadib dhimashadii
Cabdulmudallib. Waxuu ahaa Abuu Daalib kan ugu
naxariis badan adeerada Nebiga SCW. Inkastoo uu
kudhintay diintii jaahiliyada haddana waxuu
yaqiinsanaa Abuu Daalib inay diin xaqa tahay
diinta uu layimid wiilkuu adeerka u yahay ee
Muxammed SCW.
Wuxuu Cali ku Islaamay Makka horaantii
Nabinimada, wuxuna ahaa qofkii kowaad ama
labaad ee Islaama, waana qofkii ugu horeyay ee
ka Islaama xagga carruurta, waayo wauuu
markaasi jiray 8 ama 10 sanadood .
Islaamiddiisii
Imaam Mujaahid waxuu yiri:- Qofkii ugu horeeyay
(xagga Saxaabada) ee tukaday waxuu ahaa Cali
bin Abuu Daalib.
Cabduraxmaan bin Zaraarah waxuu yiri:- Cali
Markuu Islamayay waxuu jiray 9 sano.
Waxuu yiri Xasan bin Zeyd:- Cali bin Abii Daalib
waligiis sanamyada ma uusan taaban umuuna
dhawaan.
Cabdullaahi bin Cabbaas waxuu yiri:- Qofkii ugu
horreeyay ee Islama Khadiija kadib waxuu ahaa
Cali bin Abuu Daalib.
Waxuu yiri Maxamed bin Camr:- Dadka waxaa ugu
hor Islaamay Khadiija, kadib agtayada waxan
isku khilaafnaa saddex qofood koodii ugu horeyay
ee Islamay Khadiija kadib, Waana Abuu Bakar,
Cali bin Abii Daalib iyo Zeyd bin Xaaritha.
Markii Rasuulka SCW lasoo diray buu u yimid Cali
oo kuray yar ah, markaas buu ku yiri:-
Caliyoow! Ilaahay xagiisaan kuugu yeeri ee
diintaan soo gal. Wuuna u sharxay, saa kadib
Cali waxuu yiri:'' Abaa Daalib baan soo weydiin,
waayo kama careysiin karo'e.
Markaas buu Nabigu SCW yiri:- Mayee
haddaadan qaadaneyn cidina ha usheegin oo
afkaada iska qabso. Kadibna Cali wuu iska
amusay oo habeenkii buu iska seexday isagoo
arrinkii ka fekeraya kadib baa quluubtiisa
Illaahay u wasiciyey islaannimada, wuuna kusoo
kallahay xaggii Nabiga SCW, waxuuna ku yiri:-
Ibar diintaadan. Halkaas buuna ku islaamay Cali.
Waxaa ka sugnaatay Cali xagiisa inuu yiri:-
Waxaan ahaa qofkii ugu horeyay ee tukado
(xagga saxaabada).
Noolashahiisii & Waqtigii Nebiga (SCW)
Cali bin Abii Daalib intii magaallada Makka uu
joogay, wuxuu ku noola gurigii Rasuulka SCW,
waayo, Rasuulka SCW ayaaba soo koriyey oo taasi
kafaala qaaday. Sababtuna waxay ahayd Abii
Daalib wuxuu ahaa oday da' ah oo misna aanan
hanti buuran lahayn. Sidoo kale wuxuu lahaa
carruur badan. Saa waxaa dhacday abaar daran
oo dadkii diif iyo macluul darani qabatay.
Markaas buu Nebigu SCW u tegay adeerkiis Al
Cabbaas, oo ka dalbaday in ay israacaan oo u
tagaan Abii Daalib oo ka caawiyaan korinta
carruurta. Waxay u tegeen Abii Daalib, markiina
ay arrintii u sheegeen, baa wuxuu Abuu Daalib
yiri:- Caqiil mooyaane, inta kale kaad doontaan
kaxaysta.
Markaas buu Rasuulku SCW Cali kaxaystay, Al
Cabbaasna wuxuu kaxaystay Jacfar oo ay sidaa ku
kafaalo qaadeen. Wax badan kama soo wareegin
markii uu Jacfar qaan gaaray oo uu guursaday,
goonina u degay. Calise isagu wuxuu ahaa mid ka
yar Jacfar da' ahaan 10 sanadood, wuxuuna sidaa
daraadeed kusii nagaaday gurigii Rasuulka SCW
oo uu ka qaatay barbaarin iyo abaabin wanaagsan.
Habeenkii Hijrada Rasuulka (SCW)
Maalintuu damcay inuu xabiibkeenna Muxammed
SCW u soo haajiro magaalada Yathrib (Madiina)
baa waxaa tashtey odayaashii iyo wax garadkii
Quresheed si ay arrintaas isku hor istaajiyaan.
Waxayna shir aan kala go' laheyn kuyeesheen
Daaru Nadwaa (Golahoodii Fadhiga). Waxayna
go'aan soo saareen inay dilaanba Nabiga SCW, oo
waxay isku raaceen in qola waliba oo Qureesh
kamid ah laga soo dhex saaro wiil shaab ah oo
seef wata, kadiba albaabka in loo fadhiista oo
markuu damca Nebigu SCW inuusoo baxa halmar
lagu wada dhufta seefaha sida darba hamar uu
nin ku dhuftay oo kale ah. Markaas kadib haddii
ay banuu Haashim (waa tolka Nabiga uu
kadhashaye) ay kudoodaan sababta loo dilay
waxaa lasiin doonaa diyo. Haddii ay diyadu
diidaana dee iskama celin karaan Qureesh dhan
waayo Qureesh dhan baa halmar ku dhufatay
seefaha. Arrinkaas bay isku waafaqeen Qureesh
waxana fikradaas xun lahaa oo keenay Abuu Jahal
Camr bin Hishaam. Kadib waxaa yimid Malakol
Jibriil CS oo markaas uga warramay Nebiga SCW
waxa ay Qureesh ku tashatay iyo inay doonayaan
inay dilaan, saa kadib Nebiga SCW wuxuu
latashtay Cali bin Abuu Daalib oo uu runtii aad u
jeclaa, wuxuuna ku yiri:- Caliyow! Qureesh sidaas
bay ku tashatay. Kadib wuxuu amray inuu
firaashkiisa seexdo caawo oo Nebigu isku furto.
Kadibna wuxuu amray in howlaha uu Rasuulku
SCW Muslimiinta iyo dadka u hayay oo amaano ah
uu usoo kala gudo dadka dadkii lahaa.
Cali waxuu yiri:- Rasuul Alloow!! haddii aan caawo
firaashkaaga seexdo naftaadu miyay badbaadeysa
oo cadawyada Quresheed miyaad ka bad
baadeysaa? Saa waxuu yiri Rasuulka SCW:- Haa
oo nafteydu way bad baadeysaa inshaa Allaah.
Markaas buu Cali sujuud la dhacay oo uu isagu
isku furtay oo uu sidaas ku seexday firaashkii
Nabiga SCW. Nabigu SCW habeenkii buu gurigiisa
kasoo baxay iyagoo Qureeshtu ay dhooban yahiin
albaabka aqalkiisa, lakiinse ma aysan arkin oo
Illaahay baa ka indha saabay dhammaantood. Saa
markaa iyada ah waxuu Nabiga akhrinayey aayad
kujirta suuradda Yaasiin oo ah qowlka Alle kor
ahaaye
''Waxaan ka yeelnay hortooda gidaar
gadaashooduna gidaar oo waan indho daboolnay
mana arkayaan waxbo'' . Suuratu Yassiin, aayadda
9aad.
Markaas buu Rasuulku SCW cantooba carro ah
qaaday oo xagooda ku tuuray manaysan arag
dhammaan. In qadar ah markuu ka maqanyahay
baa sheydaan u yimid oo uu ku yiri '' Hoogiinee
Muxamed soo kan baxay? Markaas bay halmar
wada kaceen oo hambar hambar u dideen,
deedatana ay soo wada laabteen, saa waxay
arkeen firaashkiisii oo meesha goglan iyo Cali oo
dul hurda. Markaas bay umaleyeen Nabiga SCW
oo wali jiifa, waxayna sugaayeen ilaa uu kasoo
kacaya, saa waa berigii baa waxaa meeshii kasoo
kacay Cali bin Abuu Daalib. Markaas baa intay
kusoo rooreen kudhegen oo ay yiraahdeen:-
Maxamed meeyay? Saa waxuu yiri:- Mooji oo
garan mahayo anigu. Kadib way isaga tegeen.
Saa waxay yiraahdeen Qureeshtii: Qofkii keena
Muxammed iyo saaxiibkiis (Abu Bakar Siddiiq)
nolal ama geeri waxuu yeelan doonaa abaal marin
100 halaad oo geel ah. Saddex maalin oo uu god
kujiray kadibna Nebiga SCW waxuu soo abbaaray
safarkii dheeraa ee Makka iyo Madiina dhexdooda
isaga iyo saaxiibkiisa Abuu Bakar Siddiiq. Markuu
Nebiga SCW yimid Magaallada Madiina isagoon
weli ka dhaqaaqin deegankii banii Camr bin Cowf
buu Cali kadaba yimid isagoo soo gutay howshii
looga soo tegay .Waxuuna soo socday muddo
gaaban marka loo eego masaafada iyo inta loo
socon karo, waxuuna socday habeenkii maalintiina
wuu dhakan jiray si aan loo arkin amaba loo
dareemin isagoo markaa iyada ah geli jiray
geedaha hoostooda. Waxuuna kusoo degay Cali
gurigii Kalthuum bin Hadam Al Ansaari. Cali
waxuu ahaa halyeey wayn oo nafsadiisa ku furtay
nafta Nabiga SCW. Waana Qofkii ugu horeyay
ee uu Nabiga nafsadiisa ku furta.

Asc asxaabta welcome to my google+ community group and get it all kheyriyaat things like muhadara, hadiith, taarikul islam and etc so welcome again.
Wait while more posts are being loaded