Profile cover photo
Profile photo
Adan Caqli
19 followers
19 followers
About
Posts

Post has attachment
Add a comment...

Post has attachment
The stream water ...............................................................

ILO

Biyaha dhulka iskood ka soo baxa ayaa la yidhaah ilo. Sida ay dhulka uga soo baxaan iyo biyaha dhulka ka soo maaxaya waxa laga yaabaa in ay noqdaan kuwo soo boodaya, kuwo xoog u soo maaxaya. Ilaha qaarbaa joogta ah, oo had iyo jeer biyo leh, qaarna waxay ku xiran yihiin waqtiga amaba roobka. Ilaha biyaha lihi waxay ku kala duwan yihiin dhinaca muuqaalka iyo dhicana isku dhisyada kiimikaad”,waxaana laga yaabaa in ay yihiin :
b) Biyo qabaw ama kulul
t) Biyo adag amaba kuwo macaan
j) Biyo macdan leh ambaa kuwo aan lahayn.

Ilaha abuurtoodu waxay ku xidhan tahay:
1.Biyo gaadhku intuu jiro.
2.Abuurta iyo xiriirka dhadhaabaha.
3.Sansaanka dhulka dushiisa.

NOOCYADA ILAHA
Abuurka noocyada fara badan ee iluhu waxay ku xiran yihiin dhismaha jiyooloojiyada ee kala duwan.
1. Heerka biyo gaarka amaba ilaha dambash. Ilaha caynkan oo kala ahi waxay ku yaallaan meelaha dhulka dushiisa, sida godonada amaba dooxooyinka, ee ka hooseeya heerka biyo gaarka ku ag ah.
2. Ilaha dhul go”a ama goysyada noocani waxaweeyi marka lakabka ma habaha ah guntiisa kor u soo baxdo intuu qaradh ku dhaco laba ah biyuhu way isku soo ururaan halkaasayna ku sameeyaan il.
3. Ilaha fokluush ilaha noocani waxay can ku yihiin goboladda dhagax xareedka biyaha dhulka dildilaacyadiisa ka muusa waxay maraan marin hoose waxayna ka baxaan gunta ama agteeda laakiin meeshaasi waa inay ka hoosaysaa halkay biyuhu muusidda .

W/Q: Adan Maxamed Caqli
Photo
Add a comment...

Post has attachment
Water Cycle.....................................................

MEERTADA BIYAHA

waa socodka joogtada ah ee biyaha ay gibilka (atmosphere) ka imanayaan, dhulkana tagayaan iyo dhulkay ka baxayaan oo ku noqonayaan gibilka. Ka imaatinka gibilka ilaa dhulka waxa la yiraahdaa da,anin (precipitation). Biyahaasi waxay noqdaan gibilka iyaga oo uumi ah. Biyuhu uumi-baxa waxay bilaabaan markay gibilka ka so daadanayaan, inina waxay uumi-baxdaa mar allaale markay dhulka ku dhacaan. Biyaha roobku dhulka ayey qulqulaan oo xirar iyo laago raacaan, dabadedna togag ama webiyo ku darmaan. Biyaha qulqulay waxay ku darsamaan kalo, harooyin iyo baddaba. Dhulalka biyuhu fadhiyaan ayay dabeetana ka uumi-baxaan. Biyo xoog leh ayaa dhusinka ku aroora oo noqda biyo dhusin ( ground water). Kuwaa qudhoodu waxay ku darmaan, iyagoo dhusinka raacaya, harooyin, ama badda. Uumi-baxa,neecaw diirran oo sida uumiga ah ayaa sare u baxda, oo qabowda. Uumiga ayaa is qabsada oo noqda baro yar yar, sameysta daruuraha, oo iyana isa sii qabsada oo noqda baraha da’a iyagoo roob ah.

W/Q: Adan Maxamed Caqli (Beer-Yaqaan)
Photo
Add a comment...

Post has attachment
Carbon cycle.....................................................

MEERTADA KAARBOONKA

Kaydiyahay weyn iyo isku dhammaan kaarboonka noole isugu yimaada waa 〖CO_2 ka hawada iyo ka ku Milan biyaha dhulka biyaha dhulka, helitaanka iyo dabniinka isagoo ku jira wax nool waxa u sabab ah fotoosintasiska geedaha cagaaran. Markaasuu ka mid noqdaa kaarboo-haydaraydka ay geeduhu samayso. Geeduhu badanaa waxay sii sameeyaan borotiin, dux iyo isku dhisyo waaweyn oo kaarboonley ah. Xayawaan baa daaqa geedaha markaasaa isku dhisyadi kaarboonleyda la dheefshiidaa oo kuwo kale la sii sameysmaa. Xayawaankii geedaha ayaa kuwo kale cunaan oo isku dhisyo kale sii sameysmaan. Markaa kaarboonka waxa ka soo baxa neef-tamarka la neefsado, markaasuu 〖CO_2 ka neefsashadu u gudbaa biyaha ama hawada agagaarkeeda degaanka, halkaasay u diyaar noqoto inay bilowdo meertadii mar dambe.

Kaarboonka badan ayaa ku hara nudaha markuu dhinto ama laga soo saaro jirka isagoo ku jira qashinka welina ah isku dhisyo waaweyn oo aan loo isticmaali Karin fotoosintasis-yuurioyo (urea ayaa ka mid ah CO (NH_2)2). Haddii aan kaarboonkaa loo rogin 〖CO_2, neeftu waa wax aan nooleyn. Noolihii wax qurmin jiray ay ka mid ahaayeen bakteeriyada iyo fangasku ayaa shaqadoodi hirgaliyey. Waxay dheefshiideen wixi dhintay iyo qashin oo dhan. Markay shaqada dhammeeyaa, kaarboonka soo baxa waa 〖CO_2.
Siyaabo kale oo 〖CO_2 ku yimaado waxa ka mid ah gubashada. Tusaale ahaan, marka qori la gubo, isku dhiskiisii ahaa waxa weyn waxa ka soo baxa kaarboon ah sida 〖CO_2 iyo neefo kale.

W/Q: Adan Maxamed Caqli
Photo
Add a comment...

Post has attachment
Nitrogen Cycle.......................................

MEERTADA NAYTROOJINKA:
Naytroojinku isba nolosha loogama maarmo sida kaarboonka naytroojinku wuxuu ka bar yahay, sidaad u og tahay aamino asiidhyada iyo borotiinnada. Meertadeeduna waxay la mid tahay ta kaarboonka, hase yeeshee, sansaano ay ku kala duwan yihiin oo middiiba ku caan tahay ayaa jira.
Hawada inteeda badani waa naytrojiin 78%, misana cagaarani ma nafaqaystaan ( in yar oo mar gaar ah mooyee) naytroojiinka hawada ee furan (free N_2) Markay cunatada samaynayaan waa u lid kaarboonka ay isaga oo ah 〖CO_2) geeduhu ka soo dabaan hawada. Geeduhu waxay u baahanyihiin naytroojiin isagoo ah ammoniya (NH_2) ama isagoo ah naytraaytyada ( cusbo ay ku jirto 〖NO〗_2), kuwaana waxa laga helaa bakteeriyada naytroojiinaysa iyo ta naytroojiinka unugta ee carrada oo awood u leh inay saami u isticmaasho N_2 markay samaynayaan aamino asiidhyada iyo borootiinada. Bakteeriyada naytroojiinaysa darkood waxay iskood ugu nool yihiin carrada, darna waxay ku nool yihiin waxay ku nool yihiin kurtin yarada xididdada geedaha kale, weliba dhinbisheeda atarka oo kale ah. Kuwa dambe waa bakteeriyada naytroojinka unugta dhinbiisha. Iyagoo ku jira meeshooda, dhimashadooda ayaa furta isku dhisyadaa naytroojiinka ay geeduhu intifaacsadaan. Waxa kale oo la hubiyey in xididdada dhinbisha ku sii dayaan carrada isku dhisyo naytroojiin leh.
Sida kaarboonka oo kale, naytroojiinka waxa qashin tuura xayawaanka (iyadoo ku jirta yuuiryada ) waxayna in kale ku hartaa nudaha noolaha dhinta. Haddana waa bakteeriyada ta ku so celisa meertayska naytroojiinkaa dabran. Bakteeriyada qurmiskaayaa borootiinka iyo isku dhisyada naytroojiinka ah e kale ka samaysma amooniya. Bakteeriyada la yiraahdo naytrooninaysa, ayaa O_2 Ku darta 〖NH_3 oo soo saarta naytaraytyo (〖NO_3). Markaa isku dhis naytroojiin kaarboon la’ayaa loo kaydiyaa carrada siday geduhu uga abdaystaan. Matnaba laguma arko meertadan naytroojiin furan ee waa:

Naytraytyada carrada -------------geedaha cagaaran-----------bakteeriyada naytroojinaysa -----------bakteeriyada naytroojiin unuga ---------------naytraytyada carrada.
Mar mar N_2 Furan lagu arkaa neerto. Marka ay taasi dhacdo ku soo celiska N_2 waxa keena bakteeriyada naytroojiin reebka ( denitrifying bacteria). Kuwaasu waxay qurbaan naytaraytyada markaasay furaan N_2tii. Mar mar bay iyana dhacdaa, in hilaacu naytrojiinka hawada u rogo naytaraytyo ay carro kale u soo qaadaan roobka iyo barafku.


W/Q: Adan Maxamed Caqli (Beer-yaqaan)

Photo
Add a comment...

Post has attachment
Sweet Orange ...................................... Somalia citrus species.

Bombeelmadu waa sinji ka mid ah geed midhoodka gaar ahaan bah liimeedka. Midhaha geedka liin bombeelmadu waa mid ka weyn dhamaan noocyada kala duwan ee liinta, waxayna leedahay biyo badan oo dhanaan iyo macaan iskugu jira.

Bombeelmada markii ugu horeysay waxa soomaaliya keenay nin Talyaani ah oo la oran jiray “Dr.Romolo Onar”, sannadku markuu ahaa 1910 ilaa 1912, markaas ka dib bombeelmadii waxa lagu beeray saldhigga beeraha ee jannaale.

Markuu sannadku ahaa 1913kii geedo tijaabo ah baa lagu beeray jennaale, Afgooye iyo Jowhar. Markuu sannadku ahaa 1914kii dhulka ay bombeelmadu ka baxday waxaa lagu qiyaasay siddeetan (80) hektar.

Dagaalkii labaad ee adduunyada iyo dhawrkii sannadood ee ka dambeysey, bombeelmadii waa la daayacay, 1950kii iyo wixii ka dambeeyey ayaa abuur cusub laga bilaabay labada webi, shabeele iyo jubba, hareerahooda.

Intaas ka dib xiiso aad ah ayaa loo qabey bombeelmada oo si fiican ayaa loo fidiyey. 1967dii dhulka lagu beero bombeelmada waxa lagu qiyaasay saddex boqol (300) oo hektar. Inta ay jirtay dawladii kacaanka aad baa bombeelmadii loo fidiyey.

Ma jirin cilmi-baaris si dhab ah looga sameeyey liinta Soomaaliya ka baxda iyo siyaabaha loo xannaaneeyo, se waa mid waqtigaan aynu joogno heer bilow ah joogta oo hore aan laysku hawlin. Hase yeeshee, waxa muuqata in ay bombeelmadu si fiican uga bixi karayso Soomaaliya oo marba marka ka sii dambays bombeelmada ay sii badanayso, ilaa imminka, meel meel dhif ah mooyaane. (SNAI) saldhga cilmi baadhista beeraha ayaa si fiican bombeelmada loogu xanaaneyn jiray, sidoo kale saldhigu wuxuu daah qaaday cudurrada ka yimaada cayayaanka ay ka mid yihiin: diirtu (Citrus colding moth), Nabka ama cadhadda ( purple scale), Caaro dhireeda ( Rust mite), Balanbaalis liimeedka (Citrus butterfly), Daaniyaha cas ee liinta (Panonyehus citri), Injir liimeed ( Citrus thrips), Dhir-galka (Long tailed mealy bug), Malabiso liimeed ( Citrus Aphid).

Cayayaankaasi dhibaato weyn bay ku hayaan dhirta bombeelmada, Sidaasi darteed, ayay haboon tahay in barnaamij ku saabsan sida loo ilaaliyo bombeelmada cayayaanka looga digayaa beeraleydeenna.

Marka aynu xakameyno cudurrada iyo cayayaanada waxa aynu dhirtani ka helaynaa miro tayo leh oo ka wanaagsan kuwa imminka inoo baxa ee aynu dalka ku isticmaalno ama aynu dibedda u dirno. Ula jeeddada warqaddani waxay tahay sidii loo gaarsiin lahaa beeraleyda Soomaaliyeed cayayaanka beeraha liinta ku dhasha siday u aqoonsan lahaayeen iyo siday uga daweyn lahaayeen.

W/Q: Adan Maxamed Caqli (Beer-yaqaan)
Photo
Add a comment...

Post has attachment

Coming Soon!!!!!!!
Tacabka Beeraha the first Somali Agricultural Software , so this is simplistic software of agriculture written in Somali language, more than 50 crops and futher information have been explained and described in it.

Tacabka Beeraha software lets you plan, monitor and analyze all activities on your farms easily. Crop selection, Tillage, planting, irrigation,fertilization, pest and disease identification, controling methods,harvesting and all other activities are managed with a few clicks.

For futher information, you can contact me:

Email: Caqli517@gmail.com
Tell: +252634754273
Photo
Add a comment...

Post has attachment
Shaxda Cusub ee Abla-Ableynta Digirleyda
Photo
Add a comment...

Post has attachment
Hi, my name is Adan Mohamed Aqli. I live in Somalia, particularly northern regions, I would like to share with you a resources which is related to agricultural sustainable production of semi-arid zones,so this resource is simplistic software of agriculture written in Somali language, more than 50 crops and futher information have been explained and described in it. Hence the reason for choosing this language is b/c my people are one of the community in the world, who have no food securty, also agricultural research centers in the country are so weak due to lack of support from the government and local NGO's. so I would like to get encouragement for this task-software. Thank you very much Indeed.
Add a comment...

Gode is only One
Add a comment...
Wait while more posts are being loaded