Profile

Cover photo
abwaan aadan caydiid ilkadigir
35 followers|4,021 views
AboutPostsPhotosVideos

Stream

WAA GABAYGII LAMAGAC BAXAY [ISTIQFAAR] 

haduu gabay aqoon leeyohoo cidi u aayayso 

ama uu abtiris laga dhaxliyo oday ka soo jeedo 

ragbaa aabihiis uga hariyo toban awoowaade 

asal baan u leeyahay hadaan lays inkirahayne 

ma ilaawin maansooyinkii ararta fiicnaaye 

aan abaaro suugaantu waa shay as'asaayehe 

hayeshee u jeed kaa la rabay waan akhrinayaaye 

anigoon cid eedaynin oon qolo ilhaamaynin 

akhlaaq iyo wanaag baan bulshada ugu adeegaaye 

abwaanimada beentaa ragaas ku ag wareegaaya 

af xumada ragaas shubahayoon axadna ceesaynin 

anshax malaha ruux aan la barin alifka diineede 

nin islaamo maagoow cid kale ma ixtiraamaysid 

nin isbaaro joogoow wallee ma intifaacaysid 

nin illaahi been shoow wallee aakhiraad garane 

ninkii aqal dad dhacayoow wallee abid ma waaraysid 

nin agoon xaqdiyayoow mindhaa wallee uun ma bixinaysid 

hooyadiis ninka eryoow mindhaa aaye uma roonid 

nin ayeeydi dilayoow mindhaa ubad ma dhaafaysid 

aabihiis nin cayrshoow midhaa rixin ma eegaysid 

ileen oday qabyaaladu dishoow aayadiin malihid 

nin afkiisu xaaraan bartoow ma istareexaysid 

nimaan edeb la barinoow xumaan kama ufoonaysid 

nin xishoodka laga oodayoow ma asturaanaysid 

ninka ehelki diidoow cid kale kuu arxami mayso 

nin salaada ka erdhoobayoow eebe garan maysid 

nin dhulkiisa iibsanayayoow oon ka bixi maysid 

aqoon yahan khamriga jiidayoow sooma orinaysid 

nin aduunyo raacraacayoow samuhu kaa oodan 

ninkii akhasunaasnimo bartoow adiyo yeelkaaye 

arinkaygu waa inaad macsida ka ag fogaataane 

istiqfaarta xaalkaynu nahay waa alloow sahale

BY ABWAAN AADAN CAYDIID ILKADIGIR
1
Add a comment...
 
DA'DA MAANSO DEELKIYO MURTIDA DULUC  WANAAGEEDA 

DAADIHINTA SUUGAANTA    IYO   DABACSANAANTEEDA 

WAA DEEQ  ILLAAHAY  BAXSHIYO SHAY  DABIICI AHE   

WAA WAXAAN LAGAA DUUDSIN KARIN DAA'IM ABIDKIISE  

GOORTAAN DAN UGA AAMUSEY  IGU DANQAAYAANE  

DIBNAAGU SHAYGAY BARTAAN WAADAN DAYN KARINE 

AAN DALIIISHO   QOONKII DAYACAN  WAA IN LOO DIGAYE,   

SOOMAALI WAXA KALA DILOO DAAWO LALA WAAYEY 

OO DOWLADNIMO FIICAN  IYO DARAJO LOO SEEGAY

OO DIRIRTA  JOOGTIYO  DHIBKAAN NOOGA DAMI WAAYEY

WAA DIINTA  EEBIYO SHARCIGA DABA MARYEEYNTIISE 

DANBI DHAAF INTAAD KA CODSATAAN DIB UGA SOO LAABTA, 

NIN DALXIIS U KACAY  IYO INUU YURUB KU DAANSHOODO  

OO DOONI  LACAG INUU  HELIYO DABAKH INUU TAAGTO  

OO AAN   ILLAAHAY DARTIIS CIDI  U SOO DOORAN 

NIN KITAAB INTII  UU  DARDARAY BEEN KA DABA KEENEY

KA DANAYSTA YUU IDINKU  DILIN DARANYO  CEEBEEDE, 

QOXOOTIGA KUWAA DAADSAN OON CIDA DARYEELAYNIN  

IYO QAAR XABSIGA  LAGU DILOON CIDI U DOODAYNIN

IYO QAAR  DARIIQYADA KU URAY DIRINA AAN HAYSAN

UMA DIIR NAXAHAYAAN INTAY DIB U JALEECAANE 

KA DANAYSTA WAA UU KU DILAY RUUX DAMIIR LI'YE, 

DALKEENOO BARWAAQADA DHEXTAAL DUNIDU YAABAYSO 

DIBADAHA HA SOO TUUGSADEEN  SIDA DACIIFKEEYE   

DABADEED WAXAY SOO HELAAN DUBAI HA GAYSTAANE

AGOOMAHA LA DILAY WAARIDKOOD DIB UMA FIIRSHAANE

KA DANAYSTA   JIILKAAN DANBAA   DAACADII SIDAYE, 

 DAL BUBURAY DADKAAN  KALA XAQOO DIILALYADU HAYSO

OO  DUNIDA MEESHAAD MARTABA   LOO DAWARINAAYO

ALLAHAYOOW  ADAA DAA'IMEE  DAAHIRKA U MUUJI

ALLAHAYOOW DUNUUB WAAN GALOO DAALIM BAA BADANE

ALLAHAYOOW DULQAADKAAGA WEYN  MAANTA NAGU DAYSO, 

BY ABWAAN AADAN CAYDIID ILKADIGIR   
 ·  Translate

maxaan orankarnaa hada soomaaliya waa iska badaleen il
 ·  Translate
1
Add a comment...
Have him in circles
35 people
abwaan    aadan caydiid ilkadigir's profile photo
 
Tix Gabay Ah >>>Geeridu Xaq Weeyoo Kurteen Geedi Baan Nahaye<<< Wxay Igula Soo Dhacday dilkii Magaalada Gaallakyo Maanta Loogu Gaystay Wariye Liibaan (Qaran)
>Geeridu Xaq weeyoo Kurteen Geedi Baanahaye,
>Gurigeenu Waa Aakhiriyo Lagama Guuraane,
>Waa Galab Caroow Iyo Aduun Maalin Galinkeede,
>God Baa Ina Sugaayiyo Kob Aan Laga Gaboobayne,
>Goortaad Baxaysiyo Wakhtigu Waa Wax Kuu Go'ane,
>Gidigeen Waxaan Saaranahay Gaari Dhaladiise,
>Gabal Gaabtay Weeyiyo Cad-ceed Sii Gabaabsidaye,
>Waa Guure Socod Iyo Hayaan Gaajo Daal Badane,
>Hadaad Gobolo Iyo Dowladiyo Goofaf Badan Jeexdo,
>Waa Meel Aan Guul Iyo Xornimo Abid La Gaarayne,
>Hadii Aan Intaas Uga Gudboo Gaadho Dulucdayda,
>Gadii Aan La Rabay Baan Jeclahay inaan Gorfeeyaaye,
>Garta Iyo Ujeedkiyo Murtida Yaanan Gees Marine,
>Geeraarka Iyo Maansadiyo Gabaygu Waa Qaane,
>Bal Aan Soo Gunaanado Runtaan Kaga Gariirshaaye,
>Allahooy Gafbay Aadamuhu Gaysanahayaane,
>Gardaraa Rabbiyow Maatadii Lagu Gumaadaaye,
>Niman Aan Gabanahaynin Iyo gaasas Baa Yimide,
>Gafuurkiyo Indhaha Qoon Xirtoo Gaatamaa Jira'e
>Gacal Iyo Sokeeyiyo Xigaal Gaabshe Badankoode,
>Geed Kuma Shiraan Odayadii Mana Garaystaane,
>Guurtidu Habeen Kuma Socdaan Gaalkacyoo idile, ,
>Gabar Iyo Kulay Wiil Ku Tahay Waa La Gaasiraye,
>Gambooleeyda Iyo Looma Turo Hooyo gacaleeye,
>Gubateey Ka Kiciyeen Dhulkii Gaaxsanaan Jiraye,
>Masjidada Rag Soo Galahayoon Gabalna Dhaafaynin,
>Gar-cadaaga shiikhiyo Wadaad Loogu Gabateeye,
>Gidaarada Agoon Miiran Oo Geyshashaa Tubane,
>Isla-Galabta Liibaan-yaray madaxa Gooyeene,
>Allahayoow Na Soo Gaar Adaan Kuu Galiinanaye,
W: Curiyey Abwaan Aadan Caydiid Ilkadigir (Abwaan Mudug)
Fadlan Xaquuqda Qoraalka Ilaali Adigoo Mahadsan Waxaad Oran Kartaa share, Mahadasanidiin.
1
Add a comment...
 
Su'aal Weeye Guunee 
Maskaxdii Garaad laa
Garanaysa Xeeshee,
 
Maxaa Garasha Laawaha 
Gumeystuhu Ku Jecel yahay,
Gobolada Maxay Qaar, 
 
Guryo uga sameestaan 
Midka Maato Goyskaa 
Gowracay Walaalkiis,
 
Gardarada Markuu Wado
Maxay ugu Gargaaraan?
Dhulka Meesha Geedka Leh,
 
Gaadmadu Ka Fududahay 
Car Muxuu Intuu Galo,
Gabbaad uga Yegleeshaan.
 
Dadka Reer Galbeedkaa
Ginigooda Lacageed
Maxaa Geeyey Samadaas?.
Ana Tayda Gaasiray,
 
Gayigayga Kii Degay 
Kiisaba Markaan Galo
Garan waa sidaan ahay
Muxuu igu Garaacaa?
Runta Muu Garwaaqsado.
 
W/Q: Abwaan Aadan Caydiid  ilkadigir.
 
aadancaydiid@gmail.com
1
Add a comment...
 
asc dhamaan
1
Add a comment...
 
war dhamaaday dheh
1
Add a comment...
 
DA'DA MAANSO DEELKIYO MURTIDA DULUC  WANAAGEEDA 

DAADIHINTA SUUGAANTA    IYO   DABACSANAANTEEDA 

WAA DEEQ  ILLAAHAY  BAXSHIYO SHAY  DABIICI AHE   

WAA WAXAAN LAGAA DUUDSIN KARIN DAA'IM ABIDKIISE  

GOORTAAN DAN UGA AAMUSEY  IGU DANQAAYAANE  

DIBNAAGU SHAYGAY BARTAAN WAADAN DAYN KARINE 

AAN DALIIISHO   QOONKII DAYACAN  WAA IN LOO DIGAYE,   

SOOMAALI WAXA KALA DILOO DAAWO LALA WAAYEY 

OO DOWLADNIMO FIICAN  IYO DARAJO LOO SEEGAY

OO DIRIRTA  JOOGTIYO  DHIBKAAN NOOGA DAMI WAAYEY

WAA DIINTA  EEBIYO SHARCIGA DABA MARYEEYNTIISE 

DANBI DHAAF INTAAD KA CODSATAAN DIB UGA SOO LAABTA, 

NIN DALXIIS U KACAY  IYO INUU YURUB KU DAANSHOODO  

OO DOONI  LACAG INUU  HELIYO DABAKH INUU TAAGTO  

OO AAN   ILLAAHAY DARTIIS CIDI  U SOO DOORAN 

NIN KITAAB INTII  UU  DARDARAY BEEN KA DABA KEENEY

KA DANAYSTA YUU IDINKU  DILIN DARANYO  CEEBEEDE, 

QOXOOTIGA KUWAA DAADSAN OON CIDA DARYEELAYNIN  

IYO QAAR XABSIGA  LAGU DILOON CIDI U DOODAYNIN

IYO QAAR  DARIIQYADA KU URAY DIRINA AAN HAYSAN

UMA DIIR NAXAHAYAAN INTAY DIB U JALEECAANE 

KA DANAYSTA WAA UU KU DILAY RUUX DAMIIR LI'YE, 

DALKEENOO BARWAAQADA DHEXTAAL DUNIDU YAABAYSO 

DIBADAHA HA SOO TUUGSADEEN  SIDA DACIIFKEEYE   

DABADEED WAXAY SOO HELAAN DUBAI HA GAYSTAANE

AGOOMAHA LA DILAY WAARIDKOOD DIB UMA FIIRSHAANE

KA DANAYSTA   JIILKAAN DANBAA   DAACADII SIDAYE, 

 DAL BUBURAY DADKAAN  KALA XAQOO DIILALYADU HAYSO

OO  DUNIDA MEESHAAD MARTABA   LOO DAWARINAAYO

ALLAHAYOOW  ADAA DAA'IMEE  DAAHIRKA U MUUJI

ALLAHAYOOW DUNUUB WAAN GALOO DAALIM BAA BADANE

ALLAHAYOOW DULQAADKAAGA WEYN  MAANTA NAGU DAYSO, 

BY ABWAAN AADAN CAYDIID ILKADIGIR   
 ·  Translate
1
Add a comment...
 
inkastoo murtiyu quusatoo qiima gabay beelay,

oo laga qash dhacay aadanoow waanba kuu qiraye,

hayeeshee waxaa igu qasbaan kaa qancinayaaye,

qaran dumey dad kala qaxahayoo qaarada dhooban,

oo qaybo loo kala gatoo qaatay dhalashooyin,

oo qaar tahriiboo badaha qariyey maydkoodu,

iyo qayb la laayoon sharciga loogu qabanayn wax,

intaas oo qisoo miiranoon laysu qarinaynin,

qaxarkiyo dhibkaas baa na helay qoon hadaan nahaye,

hadii ay abwaanadu qadsheen nin iyo qawlkiise,

waanadu cidii loo qoraa qaata abidkoode,

qof ahaantay waa inaan anigu qayla dhaan diraye,

u quwee subxaanoow rabiyow qaadir baad tahaye,

qasadkiyo macnaha waa inaan dhab ugu qeexaaye

shan hal oo qurbaha nagaga dhacay aan ku qodobeeyo,

1 qawmiyada soomaaliyeey waad qaribanteene,

lixdankii xornimadaan qabniyo qaab darada maanta,

oo ay na quursanahayaan dunida qayrkeena,

misna aad qoxootiga tihiin kaga qiyaas qaata,

2 aduunyadu markay qabanayaan shirarka qaabaysan,

oo qolo walboo dowladahu qodob ka doodayso,

oo lays qorahayoo sharciga layka qabanaayo,

basboor qiyaasliyo markii laqab la soo taagto,

adna qoorta kaar kuugu jiro un kugu qaaday,

sida aan nafluhu kuu qadarin kaga qiyaas qaata,

3 gabar qaawan oon waalidkeed qabo awoodaynin,

goortuu ku qaylshana dacway uga qoraysaaye,

markii booliskii oo qadiman qaladna loo sheegay,

oo ay danbiga kugu qabtaan qamar ninkee maagay,

goortaad la dood qaabishana jeelka ku qurmaysid,

ilmohoo qofkii dhalay ka adag kaga qiyaas qaata,

4 qof kastoo wax dhalay hooyo waa qaali abidkeede,

hadaad qaado boljeer xajkood qun u dawaafsiiso,

ood maalka qayb fiican iyo qarash gudoonsiiso,

naxdin ay qac tiri maalin ay qaaday cunugeeda,

oo qaydku uu yara dabcooy qabasho maagaysay,

intaad qabatay kama kaafidiyo qaar kaloo badane,

qof u dhaama baan jirin ilmaha qaab kastooy tahaye,

Niman kaan ka qaadanahayoo looyarka u qaybshey, 

qisadiyo u jeed kay wataan kaga qiyaas qaata, 

5 qof islaam ah xaaraanta waa inu ka qoofaaye, 

wax qur,aanku kuu diiday bay qabo dhahaayaane, 

adoo quud ka wacan raadsadaa kaaga qayr badane, 

qamradiyo inaad iibisaan hilibka qaansiirka, 

siday qurunka kuu barahayaan kaga qiyaas qaata.

BY ABWAAN  AADAN CAYDIID  ILKADIGIR   OO GABAYGAN U DIRAY SOOMAALIDA QURBA JOOGTAA MAHADSANIDIIN
 ·  Translate
1
Add a comment...
People
Have him in circles
35 people
abwaan    aadan caydiid ilkadigir's profile photo
Basic Information
Gender
Male