Profile cover photo
Profile photo
Nolosha Cusub
144 followers -
War wanaagsan ayuu Eebbe dadka ugu bishaareeyaa
War wanaagsan ayuu Eebbe dadka ugu bishaareeyaa

144 followers
About
Nolosha's interests
View all
Nolosha's posts

Post has attachment
Waxaanu tacsi u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen iyo shacabka Soomaaliyeed, 19-kii qof ee usbuucan lagu xasuuqay makhaayada Piazza House ee magaalada Muqdisho. Waxaa diley niman ku qaylinaya “Alaahu Akbar.” Dadka halkaa ku dhintay waxaa ku jirey saddexdan gabdhood ee walaalaha ah {Ifraax, Iimaan, iyo Iftiin}. Waxay ahaayeen arday. Sayidkeena Ciise Masiix wuxuu na barayaa, “Tuuggu {Shaydaanku} wax kale uma yimaado inuu wax xado oo dilo oo halleeyo mooyaane, aniguse waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan.” (Yooxanaa 10:10). http://noloshacusub.net/Bible/NT/Gospels/jhn.aspx#10

Post has attachment
Diyaargarow mise “Inshaa’allaah”?
Arrin Ilaahay qofka u siiyey aqoon, awood, iyo wakhti uu wax kaga qabto ayuu ku odhanayaa “Inshaa-allaah”. Taas macnaheedu waxa weeye laga yaabee inaan hawshaa qabto ama aanan qaban, si kastab ha u dhacdee Ilaah baa qoray!
https://www.somalibelievers.com/…/diyaargarow-mise-inshaaal…

Diyaargarow mise “Inshaa’allaah”?
​ Dhibaatooyin badan oo Soomaalida ku dhacaa waxay ku sallaysan yihiin sida ay dhaqan ahaan u fekeraan. Abaar weyn sida ta hadda jirta ah…
Learn More
SOMALIBELIEVERS.COM


Post has attachment

Post has attachment
Bal eeg falka diiinta nabadda iyo nasteexada ee shalay lagu xasuuqay walaalaheenna reer Masar markay u dabaaldegeen Ciidda Axadda Calleemaha Qoyan. Waxaan u tacsiyaynaa qaraabada kuwa dhintay. Haddii aad doonaysid inaad barato jidka qumman oo aad iyo aad uga duwan argagixidda, akhri “Jidkii Nabaddoonka”: http://noloshacusub.net/Literature/History/JN/default.aspx 
Photo

Post has attachment
2017-04-07
AXADDA CALEEMAHA QOYAN
Waxaynu haddaba guda galaynaa Toddobaadka Muqaddaska ah [ka billow Axaddan oo 9 Abriil ah], waxaynuna xusuusan doonnaa dhacdooyin aad muhiim u ah intii Ciise Masiix uu waday adeeggiisa. Maalmo yar gudahood ayaa waxaannu ku arki doonnaa, sidii ay Farrisiinta iyo culummo kale ee cadowga ku ahaa Ciise ay isaga u maxkamadeeyeen.
Injiilka sida Yooxanaa u qoray 12, waxaynu ka arki karnaa Sayid Ciise oo beddelay qaabka adeeggiisa. Wuxuu galay Yeruusaalem iyada oo dad badani ay u salaamayaan sidii hoggaamiye caan ah oo kale. Bal aan u fiirsano aayadaha cutubkan 12:12-16:
“12 Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo, 13 waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah.
14 Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay,
15 Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed.
16 Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.”
http://noloshacusub.net/Bible/NT/Gospels/jhn.aspx#12

Haddii aad jeceshahay inaad dhegaysato farriin idaacadeed oo ka ahaatay Codka Nolosha Cusub isla markaasna ku saabsan qaybtan ka midka ah noloshii Masiixa, halkan guji/riix http://noloshacusub.net/Audio/Messages/WayofRighteousness/Default.aspx, kaddibna dooro JC92 Ciise Guul buu ku Galay Yeruusaalem.


Post has attachment
Muxuu Ilaahay ugu Yeedhay Ibraahim?
Casharkan waxaynu ku baranaynaa qisadii nin magaciisa aad looga yaqaan Erayga Ilaahay oo meel muhiim kaga jirey qorshihii Ilaahay ku badbaadinayey farcankii Aadan. Erayga Ilaahay wuxuu ninkaas ugu yeedhaa “saaxiibkii Ilaahay” iyo “aabbihii dhammaan kuwa ramaysiga leh.” Ma garanaysaa ka uu kani yahay? Waa nebigii Ilaahay ee Ibraahim.
http://www.somalibelievers.com/bible-study/muxuu-ilaahay-ugu-yeedhay-ibraahim


Post has attachment

Post has attachment
Muxuu Erayga Ilaahay ka odhaayaa Xakamaynta Carabka? Daawo casharkan xiisaha leh.
https://youtu.be/_cNsHHenMvE

Post has attachment
Sidee baad u aragtaa Masiixa? Wax kasta waxay ku xiran tahay jawaabta aad ka bixisid su'aashan: farxaddaada nolosha hadda ah iyo meesha aad ku qaadan doonto nolosha soo socota waa aakhiro e. http://noloshacusub.net/Literature/Tracts/Messiah.aspx 

Post has attachment
Wait while more posts are being loaded